Sök

Språk

Låneregler på somali - Sharciyada amaahda

Låneregler på somali - Sharciyada amaahda

KU SOO DHAWAADA!

MAKTABADDA TROLLHÄTTAN WAXAA LOOGU TALO kkk

Waa lacag laáan in wax amaahato. Waxa kaliyo aad u baahan tahay waa kaarka maktabadda oo ka shaqeenaayo maktabadda sare, baska buugaagta, maktabadda Kronan iyo maktabadda Sylte.

Maktabadda magaalada Trollhättan warbaahimo badan oo dá waliba leh, waxyaabo kku xiiso galiya, luqad oo leh noocyo kala duwan. Waxaad heli kartaa buugaagyo, filim, miyuusig iyo cayaar ama in aad amaahato kambiyuuter si aad ugu isticmaasho interneetka, wax ku qoroto, warqadaha dibadda ugu soo saarato.

Wax miyaa raadinaysaa? Markaa inagaa ku caawinayno si aad u hesho saxda.

SHARCIYADA AMAAHDA

KAARKA MAKTABADDA

Kaarka maktabadda waxaad ku helaysaa lacag laáan adigoo na tusto kaarkaaga aqoonsiga ansax ah. Caruurta iyo dhalinta oo da´dooda ka hooseeso 18 sano waxaa sharuud ah in uu masúulka caruurta soo saxiixo heshiiska amaahda. Hadii uu kaa dhumo kaarkaaga maktabadda waxaad isla markiiba ka soo diiwaan galinaysaa maktabadda. Kaarka maktabadda waa la xiraayaa hadii si qalad oo adeegsado kadib waxa laguugu yeelanayo 100 kr ama ka badan.

XILIGA AMAAHDA

Si caadada ah xiliga amaahda waa 28 malmood lakiin makabadda waxay leedahay amaah xili gaaban leh. Xadka da´da ee lagu amaahdo cayaaraha flimada iyo cayaarta tiifiga waa 16 sano.

KHIDMADAHA

Hadii aan wax la soo habsaanto waxaad ku qasban tahay in aad bixiso khidmad qarash ah. Ka reeban warbaahinta caruurta maktabadda waxay kuu soo diraysaa khidmad xusuusin ah. Kadib marka aan kuu mar kale xusuusin waxaa laguu soo diraayaa qarash xisaab ah oo ku saabsan buugaagtii aan wali la soo celin.

Hadii aan dhaawacdo ama aad dhumiso waxii aad amaahatay waxaad ku qasaban tahay in bixiso magdhow.